27 C
New York

Soomaaliya oo ka hadashay duqeyta Itoobiya ee Sh/Dhexe

Published:

[ad_1]

Muqdisho — 
Dowladda Soomaaliya ayaa shalay markii ugu horreysay xaqiijisay in ciidamada cirka ee Itoobiya ay toddobaadkan duqeyn la beegsadeen fadhiisimo ay Al-Shabaab ku lahayd Shabeellaha Dhexe.
Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in dowladdu ay Itoobiya u fasaxday inay duqeynta fuliso, iyadoo taasina ay qeyb ka tahay dadaalka ay Soomaaliya iyo Itoobiya ugu jiraan sidii looga adkaan lahaa kooxda Al-Shabaab.
Dowladda ayaa dhinaca kale faahfaahin ka bixisay dagaalka u dhexeeya ciidamadeeda iyo kuwa deegaanka ee Macawisley oo isku dhinac ah, iyo maleeshiyada Al-Shabaab, kaasi oo ka dhacaya qeybo ka mid ah gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan.

[ad_2]
Read More

Related articles

Recent articles

spot_img