Qaahira —
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Masar, Cabdulfataax Al-Sisi, ayaa kulan muhiim ah oo ay ku yeesheen Qasriga Al-Itixaadiya ee magaalada Qaahira, ku kala saxiixday heshiisyo ay ku xoojinayaan xiriirka labada waddan.
Sida lagu sheegay qoraal ay daabacday Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, labada madaxweyne waxay isku afgarteen in sare loo qaado xiriirka Iskaashi ee Soomaaliya iyo Masar oo la gaarsiiyo heer istaraatiiji ah.
Sida qoraalka lagu sheegay, heshiiskan ayaa ka tarjumaya xiriirka qotoda dheer ee taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal iyo sida ay uga go’an tahay horumarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, sida waxbarashada, cadaaladda, siyaasadda, amniga, iyo dhaqaalaha.
Sida ay sheegtay dowladda, dhanka waxbarashada, Jaamacadaha Masar, gaar ahaan Jaamacadda Al-Azhar Al-Shariif, ayaa kordhin doona deeqaha waxbarasho iyo fursadaha tababar ee ardayda iyo xirfadleyda Soomaaliyeed.
Madaxweynayaasha ayaa sidoo kale ballan qaaday in ay dardargelin doonaan wada shaqeynta ka dhaxeysa hay’adaha kala duwan ee wadamadooda, gaar ahaan garsoorka iyo amniga.
Sida lagu xusay qoraalka dowladda, Masar ayaa xaqiijisay inay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka taageerayaan dagaalka ay kula jiraan argagixisada.
Qodob kale oo muhiim ahaa oo heshiisyada la kala saxiiday ku jiray in dadka haysta baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaaliya laga dhaafo shuruudaha dal ku galka Masar.
Heshiisyada waxaa labada dowladooda u kala saxiixay wasiiradooda arrimaha dibadda iyagoo madaxweynayaashuna ay goob joog ka ahaayeen.
Sida lagu xusay qoraalka dowladda Soomaaliya ka soo baxay, waxay inay si degdeg ah u fuliyaan heshiiska u xil saareen Guddiyada Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Masar.
