Taliyihii ururka Daraawiishta booliiska gobolka Shabeellada Dhexe laba xidigle Cabdulqaadir Maxamed Xaashi iyo seddex qof oo shacab ah ayaa lagu dilay iska hor imaad ka dhacay degaanka Xaaji Cali.
Iska hor imaadka ayaa dhexmaray ciidamada daraawiishta iyo maleeshiyo beeleed maanta, sidaasi waxaa VOA u sheegay Wasiirka Arimaha gudaha maamulka Hirshabelle Cabdiraxmaan Daahir Guure.Wasiirka ayaa sida dilkan u dhacay uga warramay weriyaheena VOA Xuseen Xasan Dhaqane.