WARARKA

Dunida maanta

Puntland oo ka hadashay safarka Ra’iisul Wasaare Xamse ee Magaalada Laascaanood.
Soomaaliya

Puntland oo ka hadashay safarka Ra’iisul Wasaare Xamse ee Magaalada Laascaanood.

Wararka — kaydka WordPress
2 daqiiqo akhris

Madaxtooyada Puntland ayaa ka hadashay safarka uu Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Somalia Xamse Cabdi…

Wararka Soomaaliya

Madaxtooyada Puntland ayaa ka hadashay safarka uu Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Somalia Xamse Cabdi Barre, ku yimid Magaalada Laascaanood ee xarunta maamul goboleedka Waqooyi Bari Somalia.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, oo ka hadlayey Garoowe ayaa nasiib-darro ku tilmaamay in muddo ka badan saddex sano aysan gobolka Sool ka hirgelin wax mashaariic ah, isagoo sheegay inay ahayd in ugu yaraan dhaqaalaha ay ku bixiso carqaladaynta Puntland loo weeciyo ciidamada ku sugan deegaamada maamulka Waqooyi Bari.

“Waxaa nasiib darro ah dhaqaalaha lagu bixiyey ciidamada DFS ka qorotay Boosaaso ilaa Galkacyo maxaa loo siin waayey ku jooga gobolka Sool, Saddex sano kahor ayaa Laascaanood maamul lagu sheegay ilaa hadda hal mashruuc lagama fulin, mala waydiin waayey Ra’iisul Wasaare Xamse xuquuqdeenii meeday, dadka ma been baa lagu sii wadi karayaa”, Ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor.

Faahfaahinta

Lugatoor, oo hadalkiisa siiwata ayaa shacabka deegaamada Waqooyi Bari ugu baaqay inay garawsadaan mustaqbalkooda,”Dadkayga reer Sool waxaan leeyahay siyaasaddu waa innaga khaldami kartaa waa se la saxaa, waxaynu joognaa xilligii aynu tashan lahayn, Laascaanood waa magaaladeydii waan rabaa oo jeclahay, deganaansho & nabad ayaa ka jirta, Xasan & Xamse intaas ka badan beentooda ma dhegeysam karno aan dib isugu noqonno. “

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Wararka La Xiriira

Wasiirka Biyaha iyo Maalgelinta iyo Wakiilka FAO-ka Soomaaliya Wada Hadlay Xoojinta Amniga Biyaha
Soomaaliya

Wasiirka Biyaha iyo Maalgelinta iyo Wakiilka FAO-ka Soomaaliya Wada Hadlay Xoojinta Amniga Biyaha

Wasiirka Wasaaradda Biyaha iyo Maalgelinta, H.E. Cabdillaahi Biidhaan Warsame, wuxuu magaalada…

SONNA English•Sep 28, 2026

Qor erayga aad rabto inaad raadiso

La soco Wararka

10 daqiiqo kadib, marka aanad akhrinayn ama qorin. Meesha aad joogtay waa la xafidayaa.

Dooro digniinaha wararka

Wararka cusub oo keliya. Ugu badnaan 3 digniin 24 saac gudahood; waad joojin kartaa mar kasta.

Asturnaanta / Privacy