22.3 C
New York

Puntland oo ka hadashay hubka ay DF maanta ka dajisay Gaalkacyo iyo dagaalkii dhacay

Published:

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa looga hadlay hub ay maanta Dowladda Federaalka ka dajisay gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kaas oo sababay dagaal ka dhacay koonfur magaaladaasi.

Wararka Soomaaliya

Bayaanka ayaa lagu sheegay in hubka laga dajiyay dhinaca Galmudug, isla markaana ujeedka uu ahaa in loo gudbiyo dhanka Puntland, balse ay ka hortageen shacabka iyo ciidamada ammaanka ee maamulka Galmudug.

“Dowladda Puntland waxay cambaaraynaysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee waqtigeedu dhammaaday, oo ciidan iyo hub ku soo daabulaysa deegaannada Dowladda Puntland. Maanta, 4 August 2026, ayey DFS hub kale kasoo dejisay magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinaca Gamuudug, si ay ugu soo gudbiso dhinaca Puntland balse ay ka hortageen hay’adaha amniga iyo shacabka Dowladda Galmudug, taas oo keentay iska hor imaad sababay khasaare,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Puntland ayaa bogaadisay Galmudug iyo shacabkii ka hortagay hubkaas oo ay sheegtay in la doonayo in amni darro looga abuuro gobolka Mudug. Waxaa kale oo ay ku eedeysay dowladda dhexe in ay weli ciidamo iyo hub ku daabaleyso gobolkaas, si loogu waxyeelleeyo nabadgelyada deegaannadeeda.

Faahfaahinta

Waxaa kale oo Puntland warsaxaafadeedka ku bogaadisay wada shaqeynta iyo darisnimada kala dhexeysa Galmudug oo ay wada maamulaan gobolka Mudug.

“Puntland iyo Galmudug waxaa ka dhexeeya daris wanaag, wada noolaasho bulsho iyo wada shaqeyn maamul oo soo jireen ah, ilaalinta amniga iyo xasilloonida guud ahaan deegaannada labada maamul waa masuuliyad saaran labada dhinacba” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka Madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale waxaa la sii raaciyay “Dowladda Puntland waxay Ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka la socodsiinaysaa in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, uu colaad ka hurinayo Gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo oo ay si nabad ah kuwa deggan yihiin dadka iyo dowladaha walaalaha ah ee Puntland iyo Galmudug. Sidaasi darteed wixii amni darro ka dhasha falkaasi waxaa masuuliyaddeeda qaadaya Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday”.

Saamaynta

Ugu dambayn,Puntland waxay shacabkeeda ugu baaqday inay ka digtoonaadaan faragelinta amni ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka waddo deegaannadeeda, ayna meel uga soo wada jeestaan wax kasta oo dhaawici kara dowladnimada, amniga iyo xasilloonida Puntland.

Warka kasoo baxay Puntland ayaa kusoo aadayo, iyada oo caawa ay kacsan tahay xaaladda guud ee Gaalkacyo, kadib markii uu saacado kahor uu iska hor imaad ka dhacay gudaha magaalada, kaas oo u dhexeeyay ciidamada ammaanka iyo ragga hubeysan oo la sheegay inay la wareegeen qaar kamid ah hubkii maanta laga dajiyay koonfuta Gaalkacyo.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa gobolka Mudug ka jiray dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeday, kadib markii la sheegay in ciidamo ay ka qoratay dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo la doonayo inay ka howlgalaan Puntland.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img