Oslo —
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho saddax maalin ay uga billaabatay dalka Norway kadib markii isaga iyo wafdi uu hogaaminayo casuumaad ka helay mas’uuliyiinta dalkaasi ay shalay gaareen magaalada Oslo.Xasan ayaa inta uu dalkaasi jooga kulan la yeelanaya Ra’iisal Wasaaraha Norway, kaasi oo diiradda lagu saarayo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, isagoo dhinaca kalena khudbad ka jeedin doona shirka Oslo Forum.Sidoo kale Madaxweynaha ayaa maalmaha uu halkaasi jooga la kulmi doona Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Norway iyo nawaaxigeeda isagoo kala hadli doona xaaladda dalka uu marayo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.Agaasimaha xafiiska warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya Cabdulqaadir Cali Dige oo aan khadka telefonka ee magaalada Oslo kula xiriirnay ayaa VOA uga warramay safarka madaxweynaha.