Muqdisho —
Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa maanta ayiday xukunkii dilka ahaa ee horey ay Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo tan racfaanka ay ugu rideen Sayid Cali Macallin Daa’uud oo loo haystay inuu xaaskiisa gubay bishii Janaayo ee sanadkan.Dhacdadan ayay sida ay Maxkamaddu ku heshay Sayid Cali waxa uu ku gubay xaaskiisa oo uur laheyd 26-kii bishii Janaayo ee sanadkan 2024ka, gubniinkaas oo ay u geeriyootay.Wariyaha VOA-da Muqdisho uga soo waramaya Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan soo diray.