23.3 C
New York

Maxay yihiin labada farriin ee uu diray safarka Xasan Sheekh ee Galmudug? + Sawirro

Published:

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan booqasho ku maraya deegaannada Galmudug ayaa habeenkii labaad caawa ku hooyanaya koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaas oo shalay si diiran loogu soo dhaweeyay.

Wararka Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ka qayb-galay munaasabad qado sharaf ah oo lagu maamuusay isaga iyo wafdigiisa ayaa tilmaamay in farriinta safarkiisa ee Galmudug ay xambaarsan tahay laba arrimood oo muhiim ah, gaar ahaan xoojinta nabadda iyo midnimada dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, wuxuu bulshada deegaanka la wadaagay warbixin ku saabsan horumarka iyo guulaha laga gaaray dhinacyada amniga, dowlad-dhiska, dhammeystirka Dastuurka iyo hirgalinta nidaamka doorashooyinka tooska ah.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay in ay garab istaagaan ajandeyaasha qaranka, isla markaana ay kaalin muuqata ka qaataan dadaallada lagu xoojinayo amniga, midnimada, dowladnimada iyo horumarka dalka.

Faahfaahinta

Booqashada uu haatan Madaxweynaha ku joogo koonfurta Gaalkacyo ayaa kusoo aadeyso, iyada oo horay ay Puntland digniin uga soo saartay socdaalkiisa, maadaama ay kala dhexeyso xiisad siyaasadeed oo xooggan, taas oo sababtay inay go’do wada shaqeyntii Garoowe iyo Muqdi

Puntland ayaa sidoo kale si weyn u adkeysay ammaanka dhinaceeda ee magaalada Gaalkacyo, iyadoo la hakiyay isku-socodka labada dhinac ee magaalada. Maamulka ayaa socdaalka madaxweynaha ku tilmaantay mid abuuri kara qalalaase, waxayna heegan galisay ciidamadeeda.

Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo waxaa sidoo kale ku sugan Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaas oo halkaasi ka wada kulamo uu la yeelanayo bulshada iyo dhinacyada siyaasadda, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka.

Saamaynta

Si kastaba, Labada dhinac ayaa dhawaan ku dagaalamay gudaha magaaladan iyo deegaanno kale oo kamid ah Puntland, kadib markii ciidamo ay halkaasi ka abaabushay dowladda dhexe ay la dirireen kuwa ammaanka maamulkaasi.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img