Washington —
Jimcihii ayaa waxaa kulankii Golaha Wadatahsiga Qaran oo ka socday Muqdishu laga soo saaray warmurtiyeed, kaasi oo ku dhiirigelinayey Baarlamanaka dalka inay dardargeliyana ansixinta cutubyada harsan ee dastuurka.
Waxaa kale oo warmurtiyeedku ku baaqay dardargelinta sharciyada, xeerarka iyo hay’adaha ka ratibmaya afarta cutub ee hore loo ansixiyey.
Haddaba waxa ay qodobadan ka dhigan yihiin ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay Guddoomiyihii hore ee guddiga doorashada madaxabbaan Xaliimo Ismaaciil Ibraahim “Xaliimo Yarey”.