Addis-Ababa —
Dowladda Itoobiya ayaa soo dhaweysay qorshaha Kenya iyo Uganda ay ku doonayaan inay ku dhex-dhexaadinayaan khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya.Madaxweynaha Kenya ayaa arrintan dhowaan ka sheegay shir madaxeedka dalalka EAC ee Arusha. Hase yeeshee Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan wada-hadal la galeyn Itoobiya illaa ay ka laabato heshiiskii is-afgarad ee Somaliland.Warkan waxaa soo koobaya Maxamed Colaad Xassan.
