21.2 C
New York

Hormuud Salaam Foundation oo dhul ugu deeqday dad barakac ah

Published:


Muqdisho — 
Hay’adda samafalka maxalliga ah ee Hormuud Salam Foundation ayaa sheegtay in ay dhawaan ku deeqday dhul lagu deegaameyn doono dad ku barakacay gudaha Soomaaliya.
Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, Cabdulaahi Nuur Cusman ayaa VOA-da u sheegay, in dhulka ay bixiyeen ay degi karaan ugu yaraan 10,000 oo qoys.
Wuxuu kaloo sheegay in marka laga soo tago dhulkaasi, ay hey’addiisu adeegyo badan ka caawiso dadka barakac ah.
Cabdullahi ayaa dhawaan lagu casuumay shir ka dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, kaas oo looga hadlay xalka waara ee barakacayaasha Soomaaliya.
Arrimahaas ayuu uga warramay Sahra Cabdi Axmed.


Read More

Related articles

Recent articles

spot_img