More

    Goolhaye Jeylaani Khaliif oo geeriyooday

    Published on:


    Afgooye — 
    Waxaa Isniintii shalay magaalada Afgooye ku geeriyooday, ALLAH ha u naxariistee, Jeylaani Khaliif oo ahaa Goolhayihii hore ee kooxda kubadda cagta Horseed iyo Xulka Qaranka Soomaaliya.Jeylaani Khaliif oo lagu nanaaneesi jiray “Baba Jeey” ayaa lagu tilmaamaa in uu ahaa goolhayihii ugu fiicnaa ee soo maaraya kooxihi kubbada cagta Soomaaliya, isaga oo xulka qaranka u saftay in ka badan 100 kulan.Haddaba, Nuur Xasan Nuur ayaa goor dhaweyd khadka telefoonka kula xiriiray Aweys Muuse Arboow “Aweys Fuundi” oo ay ka wada tirsanaayeen kooxda Horseed iyo xulka qaranka Soomaaliya, kuna nool magaalada Atlanta ee dalkan Mareykanka.


    Read More

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here