22.3 C
New York

Golaha Mustaqbalka oo ku baaqay ficil ka dhan ah Xasan Sheekh kadib hubkii Gaalkacyo

Published:

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag uga falceliyey hub iyo ciidamo la sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay geysay magaalada Gaalkacyo, kaddib iska-horimaad ka dhacay dhinaca koonfureed ee magaalada oo sababay dhaawaca ugu yaraan laba qof.

Wararka Soomaaliya

Golaha oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin mucaarad ah ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu magaalada Gaalkacyo ka abuurayo xiisad colaadeed oo halis gelin karta nabadda, xasilloonida iyo wada-noolaanshaha bulshada ku dhaqan deegaannada Galmudug iyo Puntland.

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu si adag u cambaareynayaa hubka iyo ciidamada uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku daabulayo magaalada Gaalkacyo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed uu goluhu soo saaray Talaadadii.

Goluhu wuxuu sheegay in dagaalkii ka dhashay hubka loo daabulayey Gaalkacyo uu muujinayo khatarta ka dhalan karta waxa uu ku tilmaamay “mas’uuliyad-darro iyo damac gurracan” oo lagu hurinayo khilaaf cusub.

Faahfaahinta

Iska-horimaadka ayaa qarxay kaddib markii hub laga dejiyey dhinaca Galmudug ee magaalada ay dhexda u galeen rag hubeysan, kuwaas oo la sheegay inay la wareegeen qayb ka mid ah saanadda oo gaadiid lagu raray.

Ciidamada ammaanka Galmudug ayaa la sheegay inay bilaabeen howlgal ay ku doonayeen inay kusoo ceshadaan hubka, waxaana halkaas ka dhacay dagaal sababay dhaawaca laba qof. Xaaladda magaalada ayaa kacsaneyd saacado kaddib iska-horimaadka.

Ilaa hadda ma cadda tirada hubka la geeyey Gaalkacyo, cidda loo waday iyo halka uu qorshuhu ahaa in lagu wareejiyo. Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug weli si rasmi ah ugama hadlin dhacdada.

Saamaynta

‘Gaalkacyo colaad uma baahna’

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Gaalkacyo ay tobankii sano ee lasoo dhaafay kasoo kabanaysay dagaallo iyo colaado sokeeye oo sababay dhimasho, barakac iyo burbur dhaqaale.

Goluhu wuxuu ku dooday inay nasiib-darro tahay in xilli magaalada ay dib u soo ceshaneyso xasilloonideeda, lagu sameeyo dhaq-dhaqaaqyo militari oo horseedi kara isku dhac cusub.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img