22.3 C
New York

Golaha Mustaqbalka oo ka digey dagaal ka dhaca Magaalada Galkacyo.

Published:

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag uga hadlay xaaladda colaadeed ee ka soo cusboonaatay Magaalada Galkacyo…

Wararka Soomaaliya

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag uga hadlay xaaladda colaadeed ee ka soo cusboonaatay Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, isagoo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda, loona ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo wada-noolaanshaha shacabka ku nool deegaannada Galmudug iyo Puntland.

Golaha ayaa sheegay in dagaal ka dhaca Gaalkacyo sababi karo dhimasho, dhaawac iyo barakac, isla markaana ay khatar ku yihiin midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale ugu baaqay dhinacyada ku lugta leh colaadda inay muujiyaan masuuliyad, ayna qaataan tallaabooyin lagu soo celinayo nabadgelyada magaalada iyo deegaannada ku xeeran.

Warsaxaafadeedka Golaha ayaa sidoo kale walaac looga muujiyay in kooxaha Al-Shabaab ay ka faa’iideystaan xaaladaha amni iyo khilaafaadka ka dhasha colaadaha, iyadoo goluhu ku boorriyay dhammaan dhinacyada inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta xiisadda, isla markaana ay xoogga saaraan nabadeynta iyo xasilloonida deegaanka.

Faahfaahinta

Ugu dambeyn, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu kaalin ka qaato dadaallada nabadeed, isagoo ballanqaaday in uu adeegsan doono dadaal, is-madashi, culimo, waxgarad iyo bulshada rayidka ah si loo taageero wada-hadalka iyo xal nabadeed oo lagu soo afjaro colaadda ka taagan Gaalkacyo.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img