Boosaaso —
Ugu yaraan 4 qof oo isku qoys ka soo wada jeeda ayaa ku dhintay lix kalena wey ku dhaawacmeen duqeyn shalay ka dhacday deegaanka Ceel Adax oo ku yaalla buuraleyda degamada Qandala ee Gobolka Bari.Wariyaha VOA Faaduma Yaasiin Jaamac ayaa arintan ka wareysatay guddoomiyaha degmada Qandala Axmed Yuusuf Quurshe oo ay khadka taleefanka kula xiriirtay isagoo ku suggan Buuraleyda ku dhow halka duqeyntu ka dhacday.