More

    Dowladda oo sheegtay in ay duqeyn ku dishay 41 ka mid ah Al Shabab

    Published on:


    WASHINGTON — War saxaafadeed xalay ka soo baxay hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya ee NISA ayaa lagu sheegay in duqeymo cirka ah lagu dilay ilaa 41 ka tirsan malleeshiyada Al Shabab.NISA waxay sheegtay in duqeymaha dhanka cirka ah ay ka dhaceen deegaannada Boos-Hareeri iyo Jambaluul oo ka kala tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Khamiistii shalay u sheegay warbaahinta dowladda, in duqeymo dhacay labadii maalmood ee la soo dhaafay ay ku dileen in ka badan 150 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.Duqeymahan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ee ay kula dagaallamayso kooxda Al-Shabaab, xilli uu guluf militari oo xooggan uu ka socdo gobolka Shabeellaha Dhexe.Haddaba maxay tahay kaalinta ay duqeymuhu ka qaadan karaan in Al-Shabaab lagu jebiyo furumaha dagaalka? Su’aashan iyo kuwa kale ayuu Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan weydiiyay, Axmed Cabdullaahi Maxamed (Axmed Kaboole) oo ka faallooda arrimaha ammaanka.


    Read More

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here