MUQDISHO — Waxaa sii badanaya guryaha dabaqyada ah ee laga dhisayo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, oo ka soo kabaneysay colaado sokeeyey oo hareeyay muddo ka badan 30 sano.Kororka guryaha dhaadheer ee laga dhisayo magaalada ayaa waxaa loo sababeynayaa bulshada ku nool caasimadda oo korortay, iyo ganacsato badan oo Soomaaliyeed oo u soo jeestay maalgashiga dalka.Laakin dadka dhaqaalaha ka faallooda ayaa sheegaya in dhismayaasha waaweyn ee ku sii badanaya Muqdisho aysan hoos u dhigin xaaladdii guryeynta ee magaalada, aysanna dadka u suurtogelin in ay helaan guryo kiradooda la awoodo.Taa bedelkeeda ayaa waxay mararka qaar ay sababtaa in dadka aan dakhligoodu wanaagsaneyn ay xaafadaha guryaha casriga ah laga dhiso ay uga guuraan qiimaha kirada oo aad ugu badan darted.Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan, ayaa arrimahan ka wareystay Cabdihaab Xuseen Maxamed oo ah dhaqaaleyahan Soomaaliyeed oo mowduucan cilmi-baaris ku sameeyay.
