More

    Dhallinyaro Soomaali ah oo dib looga soo celiyey Libya

    Published on:


    Muqdisho — 
    Ku dhowaad 180 dhallinyaro tahriibayaal Soomaali ah, oo ku dhibaateysnaa dalka Libya, ayaa shalay ay dalka dib ugu soo celisay dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa hay’adda IOM ee Qaramada Midoobay u qaabilsan muhaajiriinta, iyo ururka Midowga Yurub.
    Dhallinyarada oo hal gabar ay ku jirtay ayaa ka mid ahaa dhibanayaal badan oo tahriibayaal ah, kuwaas oo la kulmaya xadgudubyo xooggan.
    Soo celintooda ayaa kusoo aaddey iyadoo ay shalay ku beegneyd maalinta dadka soo galootiga ama muhaajariinta caalamiga ee 18-ka December.
    Warbixin ku saabsan waxaa noo haaya Cabdulqaadir Maxamed Samakaab.


    Read More

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here