Booliska Soomaaliya oo ka hadlay weerarkii lagu dilay shaqaalaha Hormuud

0
159


Muqdisho — 
Dawladda Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaaraysay weerarkii shalay lagu qaaday shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud oo ay ku dhinteen lix ka tirsan shaqaalaha shrikadda.
Weerarkaas ayaa loo adeegsaday qarax la dhigay waddada oo lala eegtay baabuurka. Shaqaalaha la dilay ayaa maanta aaskoodu ka dhacay Muqdisho.
Ururka al-Shabaab ma sheegan mas’uuliyadda weerarka ilaa hadda inkastoo inta badan weerarada noocan ay ururku sheegtaan.
Haddaba weerarkan ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay Af-hayeenka ciidanka booliiska Soomaaliya Gaashaanle Dhexe Cabdifataax Aadan Xassan.


Read More

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here