Hargeysa — 
Booliska Somaliland ayaa Talaadadi shalay xiray shan ka mid ah dhalinyaro ku eedaysan in ay ka qeybgaleen wareegi koowaad ee ololaha doorashada Somaliland iyaga oo wata hub isugu jira bastoolado iyo kuwo daran dooriga u dhaca.Booliska waxay ka digeen in hub lagu dhex qaato ololaha doorashada oo hadda galay wareega labaad. Warbixintan waxaa Hargeysa kasoo diray, Xamza Cali Jeesto.
