More

    Booliska Somaliland oo ka warbixiyey saraakiil lagu dilay Hargeysa

    Published on:


    Hargeysa — 
    Taliska Booliska Somaliland ayaa ka warbixiyay falal amni darro iyo dilal dhowr ah oo toorrey loo adeegsaday oo maalmihii lasoo dhaafay lagula kacay saraakiil ka tirsan isla ciidanka booliska.
    Saraakiisha mindiyaha lagu dilay ayaa waxaa kamid ahaa Marxuum Cabdi Cali Nuur oo ahaa taliyihii saldhigga booliska degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa.
    Howlgal ay boolisku sameeyeen ayay sheegeen inay kusoo qabqabteen boqollaal toorrey iyo baangado ah iyo raggii geystay dilalka, oo qaarkood maxkamad lasoo taagay, kuwa kalena la xukumay.
    Faahfaahinta warkaan waxaa Hargeysa kasoo diray Xamze Cali Jeesto.


    Read More

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here