Gaalkacyo —
Magaalada Galkacyo waxaa ka socda wada-hadallo u dhaxeeya wasiirro ka kala socda Galmudug iyo Puntland.Wadahadalka ayay ujeeddadiisu tahay sidii xal loogu heli lahaa colaadda muddooyinkanba ka taagneyd galbeedka gobalka Mudug.Haddaba heer intee la eg ayay joogtaa waan-waantu. Su’aashaasi iyo kuwo kale ayuu wariyaheenna Cabdiwaaxid Macallin Isaaq weydiiyay Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Adan Gaboobe.
