More

    Shirkii Golaha Wadatashiga oo dib loo dhigay ayadoo aan lagu heshiin

    Published on:


    Muqdisho — 
    Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa shalay gelinkii dambe shaaciyay in dib la isugu soo laaban doono shirkii Golaha Wadatashiga Qaran, oo maalmihii dambe madaxda Soomaalida uga socday magaalada Muqdisho.Shirkan ayaa waxaa ka maqnaa madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni. Sidoo kale intii uu socday waxaa shirka ka baxay madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe.War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in madaxdu ay dib isugu soo noqon doonaan 26-ka bishan.Dhinaca kalena waxaa socda dadaal ay Qaramada Midoobay qeyb ka tahay oo la doonayo in madaxda shirkan ka maqan lagu qanciyo inay ku soo biiraan.Warbixintan waxaa Muqdisho ka soo dirtay Seynab Abuukar Maxamed.


    Read More

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here