More

    Sarkaalka lagu dilay duqeyntii Mareykanka ee Puntland oo la shaaciyey

    Published on:


    Dowladda Mareykanka iyo saraakiisha Puntland ayaa sheegay in duqeyntii uu amray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee 1-dii bishan ay ciidamada Mareykanka ka geysteen buuraha Cal-Miskaad lagu dilay bartilmaameedkii ugu weynaa ee howlgalkaas, Axmed Maeleninine.
    War qoraal ah oo gelinkii dambe ee Talaadadii shalay uu shaaciyay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in Axmed Maeleninine, oo la sheegay inuu u dhashay dalka Cumaan, uu ahaa shaqaaleeye iyo maalgeliyaha hawlgallada dibadda ee Daacish.
    Mareykanku waxa uu sheegay in ninkan uu masuul ka ahaa kooxo argagixiso jihaad doon ah oo uu geeyay Mareykanka iyo Yurub.
    Mareykanku waxa uu intaasi ku daray in duqeyntaas sidoo kale lagu dilay 13 sarkaal oo ka tirsan ururka Daacish ee Soomaaliya.
    Haddaba, dilka ninkan iyo wararkii ugu dambeeyay ee howlgalada Puntland ay ka wado buuraha Cal-Miskaad, gaar ahaan togga Jeceel, ayaa weriyaha VOA Faadumo Yaasiin Jaamac ka wareysatay wasiiru-dowlaha madaxtooyada Puntland, Cabdifataax Maxamed Cabdinuur.


    Read More

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here