More

    Deni oo ku baaqay wadahadal xilli uu khilaaf kala dhaxeeyo federaalka

    Published on:


    Garoowe — 
    Madaxweyne dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni, oo shalay ka hadlayay munaasabadda xiritaanka shirka jiheynta xukuumadda Puntland, ayaa ku baaqay in la wada hadlo, iyo in sharciga dalka la dhowro.Hadalkan ayaa imanaya iyadoo in muddo ah uu muran ka dhaxeeyay Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaliya, kaasi oo salka ku haya wax ka bedelkii dastuurka.Deni ayaad moodaa inuu ka soo yara dabcay qaar ka mid ah hadalladii uu hawada u marinayay Dowladda, isagoo sheegay in Soomaalinimada aaney cidna uga carareen, qofkii qaldanna ay gacanta qabanayaan.Warbixin hadalka Saciid Deni ku saabsan waxaa magaalada Boosaaso nooga soo diray wariyaha VOA-da Yuusuf Maxamud Yuusuf.


    Read More

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here