Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka oo beeniyay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu duray Digniintii amni ee kasoo baxday Safaarada Mareykanka
Waxa uu xusay in xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo Dowladda Mareykanka oo xogaha amaanka ku saabsanna ay la wadaagto taa uu carabka ku dhuftay inay cadeeyn u tahay in si dhab digniinta loo qaaday kadib go’aanadii kasoo baxay shirkii Golaha Wasiirada ee todobaadkii hore dhacay.
Safiirka ayaa hadalkaan ka sheegay wareysi uu siiyay VOA laanteedi af Soomaaliga isagoo xusay in wararka rasmiga ah ee ammaanka la xiriira meelaha laga qaadanayo ay tahay Xukuumadda Soomaaliya.
Wixii ka dambeeyay khudbadii uu Jumcihii jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa jiray hadal hayn farabadan oo ka dhalatay iyo fasiraado kala duwan oo laga bixiyay taa oo ay ugu weyneed in Madaxweynaha uu meesha ka saaray digniintii Safaarada Mareykanka kasoo saartay in Al shabaab qorsheenayaan inay weeraro ka geystaan gudaha caasimadda Muqdisho.