Muqdisho — 
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa Khamiista maanta ah gaaray Muqdisho si uu wadahadallo ula yeesho Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta dadaallada dib u heshiisiinta ee labada dal.
Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dowladda Soomaaliya, labada hoggaamiye waxay ka wada hadli doonaan “arrimaha amniga, siyaasadda, diblomaasiyadda, dhaqaalaha, iyo dagaalka lagula jiro argagixisada gobolka.”
Xiisad diblomaasiyadeed ayaa cirka isku shareertay sanadkii hore kadib markii Itoobiya ay heshiis la saxiixatay Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya oo sheegta madax-bannaani, si ay uga hesho marin badeed.
Hase yeeshee, bishii Janaayo ee sanadkan, labada dal waxay ku dhawaaqeen inay si buuxda u soo celiyeen xiriirkooda diblomaasiyadeed kadib heshiis nabadeed oo ay Turkiga garwadeen ka ahayd bishii hore.
Sarkaal ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya, oo codsaday in magaciisa la qariyo, ayaa Arbacadii u sheegay AFP in booqashada Abiy ay “qayb ka tahay dadaal ballaaran oo lagu dhammeystirayo laguna hirgelinayo heshiiskii Ankara,” isaga oo ula jeeday heshiiskii lagu saxiixay caasimadda Turkiga.
Somaliland ayaa sheegtay in heshiiskii ay la saxiixatay Itoobiya bishii Janaayo 2024 uu horseedi lahaa in Addis Ababa ay aqoonsato madax-bannaanideeda—inkasta oo Itoobiya aysan weligeed si rasmi ah u xaqiijin—taa beddelkeedna ay Itoobiya heli lahayd saldhig badeed, maadaama ay tahay dal aan lahayn xeeb.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga falcelisay heshiiskaas, waxayna u yeertay safiirkeedii u fadhiyay Itoobiya.
Inkasta oo dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo Itoobiya ay dhacday, haddana mustaqbalka heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland weli waa mid mugdi uu ku jiro.
