Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhooweyay diiwangelibta Ururada Siyaasada Dalka
Xisbiga UPD ayaa qoraal ay soo saareen kusheegeen in xalka mushkiladaha siyaasiga ee dalkeennu ay qayb ahaan ku jiraan hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda ee xisbiyada badan, kaasi oo ay tilmaameen in fursad u siinayo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan jiilka dhallinyarada ah in ay si xor ah u doortaan hoggaamiyeyaashooda iyo wakiilladooda siyaasadda ee heerarka kala duwan ee Dowladda.
Hadalka UPD waxa uu imaanayaa iyadoo Shalay ay Guddiga Doorashooyinka Federaalka ay bilaabeen diiwaangelinta ururada ka jira dalka kuwa cusub iyo kuwii hore ee la diiwaangeliyay.
Mucaaradka Dowladda ayaa dhankoodi ku adkeesanayaa inaysan dhici karin sida ay Dowladda wax kuwado ee ah in nidaamka doorashada Qof iyo Cod ah dalka laga qabto.