Deegaanka Yaaqbariweyne ee hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa waxaa maanta ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada daraawiishta ee maamulka Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad beeleed deegaanka ka soo jeeda.
Dagaalkan ayaa lagu soo waramayaa inuu dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Wariyaha VOAda Mukhtaar Maxamed Catoosh ayaa warbixintan ka soo diray magaalada Baydhabo.