More

    ATMIS oo ‘baareysa’ dil dad rayid ah loogu gaystay Buulomareer

    Published on:


    Hawlgalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay baarayaan eedo loo jeedinayo ciidankooda oo ah in ay ku lug lahaayeen dil loo gaystay dad rayid ah 17-kii bishan July.
    Dilkan oo aysan VOA si madaxbannaan weli u xaqiijinin ayaa la sheegay in uu ka dhacay nawaaxiga magaalada Buulo Mareer ee gobolka Shabeellada Hoose toddobaadkii hore, taasi oo abuurtay cabasho ay sameeyeen dadka deegaanka.
    War saxaafadeed ka soo baxay hawlgalka ATMIS maanta oo Sabti ah ayaa lagu sheegay in ATMIS ay ka war hayso wararka lagu baahiyey warbaahinta oo dilka laba qof oo rayid ah la xiriirinaya ciidanka ATMIS.
    Waxa hawlgalku sheegay in ay baaritaan bilaabeen, waxayna ballanqaadeen in natiijada baaritaanka ay shaacin doonaan.
    ATMIS waxa ay sheegtay in ay tacsi u dirayso qoysaska dhibku soo gaaray xilligan adag.


    Read More

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here