Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday ka ganacsiga hubka

0
155


Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay ku dhawaaqday, in hadda kaddib ay gudaha Soomaaliya mamnuuc ka tahay ka ganacsiga hubka, gaar ahaan in la soo dajiyo, la dhoofiyo, la warshadeeyo, laga ganacsado, la isu gudbiyo ama la daabulo hubka iyo saanadaha millatari.
Qaraarkan ayaa kasoo baxay shir deg deg ahaa oo ay xalay magaalada Muqdisho ku yeesheen Golaha Wasiirrada, shirkaas oo uu guddoominayay Ra’isulwasaare Xamza Cabdi Barre.
Faah-faahinta warkaan, waxaa innoo haya Ismaaciil Xuseen Farjar.


Read More

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here