34.1 C
New York

Madaxweyne Xasan Shiikh Dhambaal Tacsi ah gaarsiiyay Amiirka Qatar

Published:

Soomaaliya iyo Qatar Xiriirka Ku Mareeka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa Qasriga Lusail kulan kula qaatay Amiirka Dowladda Qatar, Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani.

Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay Dowladda Qatar xilligan murugada leh, isaga oo u rajeeyay Amiirka, qoyska boqortooyada iyo shacabka reer Qatar samir iyo iimaan.

Dhankiisa, Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya tacsida iyo garab istaagga ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo bogaadiyay xiriirka qotoda dheer ee saaxiibtinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya labada dal.

Wararka.so — your trusted source for global news.

Related articles

Recent articles

spot_img