Weerarada iyo duqeynta ayaa joogsay kadib laba maalmood oo ay socdeen weeraro dhimasho leh oo dhexmaray Mareykanka iyo Iiraan, iyadoo la sheegay in dhex-dhexaadiyaasha Qatar ay u safrayaan Tehran si ay diblomaasiyadda dib ugu soo celiyaan wadada saxda ah.
Wararka Soomaaliya
Ma jirin wax war ah oo ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ama Aqalka Cad oo ku saabsan dadaalada ugu dambeeyay ee wadahadallada.
Waxaa jiray dalabyo dhexdhexaadin ah oo soo noqnoqday iyo isku dayo ay sameeyeen Qatar iyo dalal kale, sida Pakistan, xilli xaaladda u dhaxaysa Iiraan iyo Mareykanka ay gaartay heerkii ugu sarreeyay ee khilaafka.
Madaxweyne Trump ayaa aad ayuu uga mahadceliyay, doorka ay Qatar ka ciyaareysay dhexdhexaadintan. Trump ayaan wax hadal ah laga maqal 24-kii saacadood ee la soo dhaafay, tan iyo markii uu kasoo laabtay shirkii NATO ee Turkiye.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

