19.9 C
New York

Hub ka dhigista Mucaaradka iyo Xilliga Kala-guurka: Tallaabo Amni Mise Qorshe Siyaasadeed?

Published:

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saacadihii iyo maalmaihii la soo dhaafay qaaday hawlgallo lagu sheegay sugidda amniga iyo uruurinta hubka sharci darrada ah, kuwaas oo si gaar ah loogu beegsaday siyaasiyiin, saraakiil ciidan iyo madax hore oo muddooyinkii dambe magaalada Muqdisho ku haystay ilaalo hubeysan iyo gaadiid dagaal.

Booliska Soomaaliya ayaa warbaahinta u soo bandhigay hub iyo gaadiid dagaal oo ay sheegeen in laga soo qabtay goobo ay deganaayeen Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in hawlgalladaasi ay ku fidiyeen deegaano u dhexeeya Muqdisho iyo Warshiikh, iyadoo la sheegay in mas’uuliyiin kale oo ay ku jiraan taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage, Wasiirkii hore ee Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo siyaasiyiin kale lagu wado in laga qaado hubka iyo ciidammada gaarka ah.

Hawlgalladan ayaa sababay iska hor imaadyo iyo xiisado siyaasadeed, waxaana durba soo baxay su’aalo badan oo ku saabsan sababta ay dowladdu u dooratay xilligan kala guurka ah in ay ka fuliso qorshahan.

Dowladda ayaa ku doodaysa in jiritaanka ciidamo gaar ah iyo hub culus oo ay leeyihiin siyaasiyiin iyo madax hore ay khatar ku yihiin amniga caasimadda, isla markaana ay caqabad ku yihiin dowlad-dhiska iyo sharciyeynta awoodda ciidanka qaranka.

Hayeeshee dadka dhaliilsan tallaabadan ayaa tilmaamaya in waqtiga la doortay uu yahay mid muran badan dhalinaya, ayadoo hawlgalladani ay ku soo beegmeen xilli dalka uu wajahayo khilaaf siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka iyo mustaqbalka nidaamka siyaasadeed, iyadoo sidoo kale ay jiraan dooddo ku saabsan muddo-xileedka hay’adaha dowladda.

Tillaabadani ma ahan mid cusub oo dowladihii hore ayaa marar badan isku dayay qorshayaal hub ka dhigis ah, balse aysan si buuxda ugu guuleysan sababo la xiriira is-aaminaad la’aan siyaasadeed iyo duruufaha amni, waxaase hadda su’aasha ugu weyni ay noqotay sababta hawlgalladan xooggooda loogu jeediyay siyaasiyiin mucaarad ah xilli xiisad siyaasadeed taagan tahay.

Qaar ka mid ah dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in haddii hub ka dhigistu noqoto mid loo siman yahay dhammaan dhinacyada, islamarkaana lagu saleeyo sharci iyo hannaan cad, ay noqon karto tallaabo amni oo muhiim ah.

Hase yeeshee haddii ay noqoto mid lagu bartilmaameedsanayo kooxo gaar ah oo mucaarad ah, waxaa suuragal ah in loo arko qorshe siyaasadeed oo lagu wiiqayo awoodda mucaaradka ka hor marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah.

Sidaas darteed, jawaabta su’aasha ah in hawlgalladani yihiin “Tallaabo amni mise qorshe siyaasadeed” weli si cad looma kala saari karo, waxaase muuqata in waqtiga ay ku soo beegmeen iyo cidda ugu badan ee ay saameeyeen ay sii hurinayaan doodda ku saabsan ujeeddooyinka dhabta ah ee ka dambeeya hub ka dhigistan, iyadoo mustaqbalka dhowi uu muujin doono in tallaabadani ay tahay dadaal amni oo loo wada siman yahay ama qayb ka mid ah loollanka siyaasadeed ee dalka ka socda.

Related articles

Recent articles

spot_img