Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la guddoon siin doona abaalmarinta loo yaqaano Africa Presidential Leadership Award.
“Muddada Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ku suganyahay magaalada Davos, waxa uu guddoomi doonaa abaalmarinta Hoggaaminta Madaxweynimo ee Afrika, (Africa Presidential Leadership Award) taasi oo ku mutay dadaalkiisa hoggaamineed ee u hiilinta nabadda, xasilloonida iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale lagu wada in madaxweynaha mudada uu ku sugan yahay halkaas inuu shirar doceedyo la yeesho qaar ka mid ah madaxda Caalamka iyo daneeyeyaasha muhiimka ah ee ka qeyb galaya shirka, si loo xoojiyo iskaashiga caalamiga ah, loona dhiirrigeliyo maalgashiga Soomaaliya.