Jubaland oo amaan kala dul dhacday Puntland Dagaalka ay Daacish kula jirto
Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubaland ayaa amaan kala dul dhacay maamulka iyo ciidanka Puntland waxaana uu ugu hambalyeeyay ciidamada Puntland guulaha ay ka gaareen howlgalka lagu cirib tirayo kooxda Daacish isagoo tilmaamay in howlgalkan uu u leeyahay muhiimad weyn dadka reer Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.
Warka kasoo baxay Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaan marna lagu soo hadal qaadin in Dowladda Soomaaliya ay ku gacan siiso Puntland dagaalka ay kula jirto Daacish.
Madaxweynaha Jubaland ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka inay ku garab istaagaan Puntland sidii uu u miro dhali lahaa howlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish.