Siyaasiyiinta Mucaaradka Koonfur Galbeed ee Maanshiil oo soo dhoweeyay wada tashiga nabadeed ee uu ku baaqay Madaxweynaha
Waxa ay mas’uuliyiinta Maanshiil ay daaha ka qaadeen in Baaqa Madaxweynaha ay u arkaan inuu yahay tallaabo bogaadin iyo ajiibid mudan oo horseedi karta xal u helidda hubanti la’aanta siyaasadeed iyo khataraha amni ee uu Dalku wajahayo.
Waxa ay sidoo kale tilmaameen in Baaqa Madaxweynuhu uu shacabka Soomaaliyeed ku abuuray rajo, sidaas awgeed ay dhiirrigelinaynaa Dowladda Soomaaliya inay ka dhabeeyso hirgelinta gogosha si loo helo siyaasad furan oo wada-ogol ah, looguna midoobayo difaaca dalka iyo dagaalka argagixisada lagula jiro.
Tan iyo markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu fidiyay gogosha nabadeed si ay saamileeyda siyaasadda looga dhageysto aragtidoodi ku aadan xaalada dalka maraayo waxaa isasoo tarayay dhinacyada siyaasiyiinta ee baaqaasi soo dhoweenayay.