Saraakiisha hoggaamineysay ciidanka ayaa warbaahinta u sheegay iney heleen xogta xubno ka tirsan Al-shabaab oo isku aruursanayay deegaanada ku dhawdhaw Masaajid Cali Gaduud, taasina ay keentay iney weerar culus ku qaadeen ayna la wareegaan goobaha ay isku aruursanayeen kooxdu.
Saraakiisha waxay sidoo kale sheegeen in weerarka Xalay lagu dilay xubno badan oo ka tirsan Al-shabaab, hayeeshee maysan sheegin tirada rasmiga ah oo ay weerarka ku dileen, waxaana saakay wararkii ugu dambeeyay sheegayaan in ciidamadu wali ka wadaan deegaanadaan howlgalo amni xaqiijin ah.
Si kastaba ha ahaatee gobolka Shabeellaha Dhexe waxa uu ka mid ah yahay gobolada bilihii lasoo dhaafay sida xoogan uga socdeen howlgalada ka dhanka Al-shabaab, walow todobaadyadii lasoo dhaafay uu gaabis ku yimid.