Tiro hoobiyaal ah oo goordhaw lagu garaacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in hoobiyaasha ay sababeen dhimasho hal ruux iyo dhaawaca sadax kale oo dhawaantood ah dad shacab ah oo hoobiyaasha ugu tageen xafaadahooda.
Weerarada noocaa ah ee madaafiicda loo adeegsanaayo ayaa inta badan waxaa masuuliyadooda sheegta kooxda Al-shabaab, waxaana xusid mudan in dhawaan kooxdu sidaan oo kale hoobiyaal ugu weerartay agagaarka xarunta madaxtooyada iyo Xerada Xalane oo ku taala xeyndaabka garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyntii ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda fedaraalka Soomaaliya oo ku aadan hoobiyaasha saakay lagu gaaracay qeybo ka mid ah Muqdisho ee khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca leh geystay.