, 2025-05-08 19:53:29 ,
Lix qof oo ah hal qoys ayaa lagu dilay xalay weerar lagu qaaday hoygooda oo ku yaal magaalada Mandheere. Weerarka oo lagu sheegay in uu yahay mid aano-qabiil salka ku haya ayaa dabo socday colaado dhulka miyiga ah ku dhexmaray labo reer oo wada degan magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Barri Kenya.
