Muxuu yahay howlgalka cusub ee Puntland sheegtay inay ku cirib tirayso ururka Daacish ee Soomaaliya?

0
149



, 2024-12-27 09:41:55 ,

baraha bulshada

Maamul gobleedka Puntland ayaa shaaciyay in ay doonayan in ay bilaaban howlgal ka dhan ah kooxda ISIS ee ku sugan bureyda gobolada Puntland.

Dhawaan ayay ahayd markii ay Puntland soo bandhigtay hub iyo ciidan ay sheegtay in ay ka qeyb qaadan doonan dagaalka ka dhanka ah Daacish.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay in kooxda Daacish ay sanooyiinkii u dambeeyay ay dhibaatooyiin amni darro iyo dilal ka geysteen deegaanada Puntland.

“In badan ayay buuraha gaadmo ka wadeen , beec-mushtarka ayay soo faragaliyeen, dadkey dhibeen, culumo ayay laayeen, waxgarad bay laayeen oo cuqaal bay laayeen” ayuu yiri Wasiir Dirir oo la hadlay BBC da.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here