Macalim Mahdi ” Qaraxyada ka dhaca Muqdisho waxaa lagu bixiyaa lacago 70kun ilaa 80kun gaaraya”
“Qaraxyada la soo geliyo magaalada Muqdisho waxaa lagu qaataa lacago gaarayo 10-kun ilaa 70 Kun dollar ama 80Kun si loo fududeeyo lacagaahaas waxaa bixiyo ganacsade Jooga Bakaaraha, Suuq Bacaad iyo Xamar Weyne”. Taliye Macalin Mahdi ayaa sidaasi yiri.
Waxa uu bahda garsoorka ka dalbaday in la sameeyo xabsiyo u gaar ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee lagu helo inay maalgelinayaan kooxaha Argagexisada sida Al shabaab iyo Daacish.
Taliye Macalim Mahdi ayaa xusay in ganacsatada marnaba aysan ogolaanin lacagaha baadda ah oo ay Al shabaab qaadaan hadii kale lacagahaasi lagu dhibaateyn doono shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.