Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in culimadu ay yihiin tiir muhiim u ah dowladnimada iyo horumarka dalka, waxaana uu ku dhiirrigeliyey in ay sii xoojiyaan doorkooda hoggaamineed ee bulshada, iyagoo garab istaagaya dadaallada dowladdu ay ku xoojinayso nabadda iyo xoreynta dalka.
Ugu dambeen, Madaxweynaha ayaa ka dhageystay culimada talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan xoojinta dowladnimada, la dagaallanka been abuurka argagixisada ee arrimaha diinta iyo horumarinta danta guud ee ummadda Soomaaliyeed.
Kulankaan waxaa goob joog ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo dib uga soo laabtay safar uu kaga maqnaa dalka ka qeyb galka shirkii aan caadiga aheyn ee ururka Jaamacadda Carabta.