Madaxweynaha Soomaaliya oo caasumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Ruushka si uu uga qeyb galo Shirka Moscow iyo Jaamacadda Carabta
Labada Mas’uul ayaa sidoo kale waxa ay kawada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Ruushka.
Madaxweynaha Dalka Ruushka Vladimir Butin ayaa ku dhawaaqay inuu ku martigelinayo wadamada Jaamacadda Carabta magaalada Moscow si ay is kula meel dhigaan qadiyadda dhowr ah.
Butin ayaa arrimahaani kala hadlay Madaxweynaha Dalka Cumaan oo booqday magaalada Moscow todobadkii lasoo dhaafay waxaana waxyaabaha miiska saaran qeyb ka ah arrimaha Gaza, Syria iyo Ruushka inuu balaariyo saxiibadda uu kuleeyahay wadamada Carabta.