Faahfaahin ka soo baxaysa waxa dhabta ah ee wafdigii Soomaaliya ka socday ay kala hadleen dowladda Itoobiya

0
132



, 2024-12-25 13:33:52 ,

Xigashada Sawirka, FBC

Qoraalka sawirka, Heshiiskii Ankara ayaa dhigaya in Itoobiya iyo Soomaaliya ay xoojiyaan xiriirkooda, kana shaqeeyaan isdhexgalka gobolka.

Waxaa magaalada Addis Ababa ka dhacay wadahadalkii ugu horeeyay ee heerkiisu sarreeyo oo dhexmara Soomaaliya iyo Itoobiya tan iyo markii ay kala saxiixdeen heshiiskii Ankara.

Wafdi wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu hoggaaminayo ayaa dhiggooda Itoobiya kala hadlay sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii Ankara iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Labada dhinacba waxay ku heshiiyeen arrimo ay diiradda ku saarayaan sidii loo cusboonaysiin lahaa xiriirkooda ka dib “heshiiska taariikhiga ahaa” ee Ankara.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya Misganu Arga ayaa sheegay in Itoobiya ay si buuxda ugu diyaar garoobayso fulinta heshiiskii Ankara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here