Ciidamada Masar oo ku biiraya howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

0
146



, 2024-12-24 12:55:42 ,

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Qoraalka sawirka, Dalalka Soomaaliya iyo Masar ayaana heshiis amni waxa ay kala saxiixdeen bishii Agoosto ee sanadkaan.

Masar ayaa ciidamadeeda ku biirin doonaan ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, wasiirkeeda arrimaha dibadda ayaa Isniintii sheegay, sida ay baahisay warbaahinta iyadoo xiriirka labada dal uu sii xoogeysanayay tan iyo markii ay bilaabatay xiisadda kala dhexeyso Itoobiya oo ku saabsan aqoonsiga Somaliland.

“Masar waxay go’aansatay inay ka qayb-gasho howlgalka, iyadoo ka duulaysa codsiga dowladda Soomaaliya iyo soo dhaweynta golaha nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika,” ayuu yiri Badar Abdelatty oo shir jaraa’id ku qabtay Qaahira oo uu ku xusayay booqashadii wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Hawlgalka xasilinta iyo taageerada Midowga Afrika, ee loo yaqaan AUSSOM, ayaa bedeli doona howlgalka ATMIS ee waqtigiisu dhammaanaya sannadkan.

Khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa sanadkan ka dhashay qorshaha Addis Ababa ay ku doonayso in ay ku dhisato deked laga dhisayo maamulka gooni-goosadkiisa ku dhawaaqay ee Somaliland, kaas oo soo jiiday awoodaha gobolka, isla markaana khatar ku ah Geeska Afrika oo sii xumaanaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here