Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo la sheegaya inu deegaanka Nambar 50 uga sii gudbi doono deegaano kale oo dhaca furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ay ugu horeyso xerada ciidamada ee balidoogle.
Raysal wasaaraha ayaa ciidamada qeybahooda kala duwan ku dhiirageliyay iney sii kordhiyaan adkaynta amniga, isagoona xusay in ka masuul ahaan sababta ay u tagayaan furimaha dagaalka ay tahay dardargelinta howlgallada xureynta.
Gobolka Shabeellaha Hoose wuxuu ka mid yahay meelaha ay sida weyn uga socdaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, halkaas oo todobaadyadii la soo dhaafay ka dhaceen dagaalo iyo duqeymo jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-shabaab.
Ugu dambeyntii tagista furimaha hore ee dagaalka ee Raysal wasaare Xamse ayaa kusoo aadeysa, iyadoo dhawaan Xukuumadiisa ay shaacisay iney u guurayaan furimaha hore ee dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab, si loo dardargaliyo howlagalada dalka looga ciribtiraayo Al-shabaab.