21.3 C
New York

Xilliga Cirro uu booqanayo Israa’iil oo la shaaciyey

Published:

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa la filayaa inuu toddobaadka soo socda booqasho ku tago Israel, halkaas oo lagu wado in lagu furo safaarad Somaliland ku yeelato magaalada Qudus, sida uu qoray wargeyska Israel ee Yedioth Ahronoth.

Warbixinta ayaa sheegtay in booqashadu dhici doonto inta u dhaxeysa 15-ka illaa 17-ka June, isla markaana Cabdiraxmaan Cirro uu la kulmi doono madaxweynaha Israel Isaac Herzog iyo ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu.

Yedioth ayaa sheegtay in qodobka ugu weyn ee booqashada uu noqon doono furitaanka safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus, oo Hargeysa ay u aqoonsatay caasimadda Israel.

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Somaliland laba jeer oo hore la filayay inuu booqdo Israel, balse labada safarba dib loo dhigay sababo kala duwan awgood.

Illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Somaliland ama Israel oo lagu xaqiijiyay booqashada la sheegay.

Booqashadan ayaa imaaneysa kadib markii Israel ay bishii December ee sanadkii hore noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo 1991 ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey uga hortimid aqoonsiga ay Israel siisay Somaliland, waxayna ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey u cambaareeyay qorshaha Somaliland ee ah inay safaarad ka furato Qudus, isagoo ku tilmaamay “musiibo weyn” iyo “ceeb”.

“Ma dhici karto maanta in qeyb dalkeena ka mid ah ay tagto Israel,” ayuu yiri Xasan Sheekh, isagoo ka hadlayay Muqdisho kadib salaaddii Ciidda.

“Israel kuma duulin, dowladnimadeedana ma diidin. Waxaan niri dowlad noqda,” ayuu yiri.

“Laakiin waa musiibo weyn inoo ah inaan niraahno calan ay ku qoran tahay ‘Laa ilaaha illallah, Muxammad Rasuulullaah’ ayaan ka taagaynaa halkaas, kadibna aan niraahno Qudus Israel baa leh, waana caasimaddeeda,” ayuu sii raaciyay.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dalal badan oo aan Muslim ahayn ay ka gaabsadeen inay safaaradahooda u raraan Qudus, sababo la xiriira muranka siyaasadeed iyo diimeed ee ka taagan magaaladaas.

Related articles

Recent articles

spot_img