Ciidamada Puntland iyo ciidamadii ka diiwaangashanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee kasoo baxay degmada Carmo ayaa la sheegay inay isku horfadhiyaan deegaanno ka tirsan gobolka Karkaar, iyadoo xaaladda ay ka taagan tahay halkaasi ay sii abuureyso walaac laga qabo isku dhac cusub.
Wararka Soomaaliya
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada labada dhinac ay ku sugan yihiin meelo isu dhow, halka odayaasha dhaqanka ee deegaannada Xumbays iyo Rako-Raaxo ay wadaan dadaallo waan-waan iyo wada-hadal ah oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda ka dhalatay is-hor-fadhiga ciidamada.
Puntland ayaa dhankeeda ku adkeysanaysa mowqifkeeda ah in deegaannadeeda aysan ka hawlgeli karin ciidan aan ka amar qaadan maamulka, iyadoo sheegtay in ciidamada hore uga diiwaangashanaa Dowladda Federaalka lagu sameynayo dib-u-qaabeyn iyo tababar.
Xiisaddan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay soo baxayaan walaacyo ku saabsan halka ay ku dambeyn doonaan ciidamada Dowladda Federaalka ee kasoo baxay Carmo, kuwaas oo muddooyinkii dambe ku sugnaa deegaano ka tirsan Puntland.
Faahfaahinta
Boqor Cabdirashiid Boqor Cumar oo ka mid ah isimada dhaqanka ee gobolka Bari ayaa maamulka ugu baaqay inay ka fiirsato tallaabo kasta oo xaaladda uga sii dari karta, gaar ahaan in ciidamada looga daba tago deegaannadii ay kasoo jeedeen.
“In ciidamadan looga daba tago deegaannadoodii, iyadoo bulshada deegaannadaas ay horey tabashooyin u qabeen, adeegga dowladduna aanu si buuxda u gaarin, waxay abuuri kartaa xaalad adag oo cawaaqibkeedu aanu wanaagsanayn,” ayuu yiri Boqor Cabdirashiid.
Boqorka ayaa sheegay inuu rajeynayo in dowladda ay si wanaagsan u fahmi doonto xaaladda, isagoo ugu baaqay inay ciidamadan kasoo celiso deegaanka, kana fogaato tallaabo kasta oo keeni karta iska horimaad iyo xiisad hor leh.
Saamaynta
Si kastaba, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulamo la leh bulshada Puntland iyo Galmudug ee magaalada Gaalkacyo, kaddib dagaalladii dhawaan halkaasi ka dhacay, iyadoo dadaallada lagu dejinayo xaaladda amni iyo siyaasadeed ee magaalada ay weli socdaan.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

