Wejiga 2aad ee Burcad badeedda: BBC oo la kulantay burcadda cusub ee badaha

0
120



, 2024-12-25 02:59:31 ,

  • Author, Sahnun Ahmed
  • Role, BBC Somali

Waa laba nin oo kalluumaysato ah oo cimaamado waaweyn ay madaxa ugu duuban yihiin si aan wajiyadooda loo aqoonsan, ayagoo u sii socda qol ay ku lahaayeen kulan qarsoodi ah si ay iigu sheegaan sababta ay dhawaan u go’aansadeen inay noqdaan burcad hubaysan.

“Xor ayaad u tahay in aad duubto – waan ogol nahay” ayuu mid igu yiri ayagoo markaas oo dareenkoodu kacsanaa sii fariisanayey si ay u bixiyaan waraysi diyaarintiisa ay muddo bilooyin ah qaadatay, magaalo-xeebeedka yar ee Eyl.

Dhaqanka noocan ah ayaa ka soo hor jeeda sida lagu yaqaanno burcad badeedda ka hawl gali jirtay magaaladaas dekedda qadiimiga ah leh ee dhexda uga jirta buuraley oomane ah iyo badweynta Hindiya.

Waxaa mar kasta loo arkaa meel istaraatiji ah, kaliya ma aha halka ay ku taallo, laakinse waa biyaha macaan ee ay leefdahay iyo xilligii burcad badeeddu ay aadka u kacsanayd, bartamihii 2000 oo oo burcaddu at saldhig ka dhigteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here